Tuesday, November 22, 2016

Film Hindi Af Soomaali Baadshah Cusub 2016


Film Hindi Af Soomaali Baadshah Cusub 2016 Waana Film Jaceyl iyo Qiso Aad iyo Aad u Macaan walibo Dagaal ah Daawasha Wacan


Hindi Af Soomaali Brindavanam Film

Film Hindi Af Soomaali Brindavanam 
Waa Filim Aad iyo Aad u Xiiso Badan Walibo Jaceyl iyo Dagaal ah Daawasha Wacan






Friday, November 18, 2016

Horyaalka ingariiska Kulumada 12 aad

Horyaalka ingariiska Kulumada 12 aad

Waxaa Berito Oo Sabti ah la Wada Ciyaari Doonaa
Horyaalka ingariiska Kulumadiisa 12 Aad
Waxaana Kulunka ugu soo horeeyo Wada Ciyaari Doona
Manchester United iyo Arsenal Kulankaas oo Noqon Doono
Mid Aad u Xiiso Badan Kulumadadii Ugu Dambeeyey Ee wada Kulmeen
Manchester United iyo Arsenal Sanadkii Hore

Arsenal 3 Manchester United 0
Manchester United 3 Arsenal 2

Sanadkaana Waa kulankii ugu horeeyey Ee Wada Kulmaan Labada Kooxood

Hoos Ka Dheeho Kulmada La Wada Ciyaaro Doono Ee Premer League

Sabti Taariikh 19/11/2016
3:30 PM Manchester United ? - ? Arsenal
6:00 PM Crystal Palace ? - ? Manchester City
6:00 PM Everton ? - ? Swansea City
6:00 PM Southampton ? - ? Liverpool
6:00 PM Stoke City ? - ? AFC Bournemouth
6:00 PM Sunderland ? - ? Hull City
6:00 PM Watford ? - ? Leicester City
8:30 PM Tottenham Hotspur ? - ? West Ham United

Sidoo Kale  Axada Waxaa Wada Ciyaaro Doono


20/11/2016

7:00 PM Middlesbrough ? - ? Chelsea

Sidoo Kalena Talaadaa Waxaa Wada Ciyaari Doono Kooxada Kala Ah

21/11/2016

11:00 PM West Bromwich Albion ? - ? Burnley

Faaidada Uu Lee Yahay Cunista Qaraha

Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa'ido u leh jirka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% inuubiyo yahay, saas ay tahayne waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jirka uusan ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.

Waxaa kaloo qaraha ku jiro macdanta bootaasiyamta oo unug walba oo jirka ka mid ah uu u baahan yahay.

Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed laguma tiriyo midhaha lagu cayilo.

Qaraha waxaa ku badan maaddada loo yaqaanno "Lycopene" waa maddoo ku yar midhaha kale, waxayna cilmibaarayaasha sheegaan in maadadaas inkastoo ay ku yartahay laga helo midhaha yaanyada, saytuunka gaduudan iyo cinabka gaduudan.

Maadada "Lycopene" waxay ka qeyb qaaataa caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga "borostaatada"
Waxay kaloo maadadaan la dagaallantaa sunta jirka ku jirto.
Markasta oo qaraha aad u bislaado oo aad u sii gaduutto, maadada "Lycopene" way ku sii badan tahay.

Borotiinka qaraha laga helo waxaa u badan nooca loo yaqaanno "citrulline" waxayna muhiim u tahay xididada dhiigga, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga.

Waxaa kaloo qaraha ku jira maadada kaalsiyamta iyo birta inkastoo ay ku yaryiihiin.

Caafimaadka iyo Qaraha / Xabxabka:

Caafimaadka wadnaha: qaraha wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo unugyada murqaha wadnaha in ay duqoobaan, wuxuu kaloo ka hortagaa in xididada wadnaha ay subag ama dufan ay ku samaysmaan, qoraal lagu daabacay joornaalka dhiig-karka ee ka soo baxa wadanka maraykanka waxay cilmibaarayaal ku soo bandhigeen in qaraha uu yareeyo cadaadiska dhiigga ku dhaca dadka buurbuuran.

Ka hortagga caabuqa iyo Qaraha / Xabxabka: sidaan horay u soo xusayba, maadada "Lycopene" waxay yareysaa halista caabuqa iyadoo hoos u dhigto waxyaabaha ka qeyb qaata caabuqa iyo inay yarayso sunta jirka, sidaa awgeed takhtaatiir ayaa kula taliso dadka qaba xanuunnada riixa, roomaatiisamka iyo murqa xanuunka in ay badsadaan cunista iyo cabista qaraha.
Fuuqcelinta iyo Qaraha: qaraha wuxuu ugu horreeyaa cunnada jirka fuuqceliyo maadaama ay ku jiraan biyo aad u badan, taasoo macnaheeda ah in kilyaha iyo qashinsaarkaba aad ugu roon yahay, waxaana loo adeegsadaa in qururuxa yaryar ee kilyaha ama kaadi mareenka ku jiro in uu soo saaro, wuxuuna ka hortagaa suuxdinta kuleelka.
Dheefshiidka iyo Qaraha: xabxabka waxaa ku jiro maadada fiber-ka ama buunshaha loo yaqaano taasoo dheefshiidka iyo mindhicirrada caloosha u roon.
Maqaarka iyo Timaha: Maadada fitamiin A: waxay u roon tahay kobcinta unugyada maqaarka iyo tinta, waxayna ka hortaggaa jir qallaylka.

Kansarka borostaytka iyo Qaraha: cilmibaarayaal dhowr ah ayaa ogaaday in qaraha uu yareeyo tarmidda unugyada qanjirka borostaytka sidaasne uu ku yarayn karo halista cudurkaan, waxaan warbixintaan lagu soo bandhigay machadka ka hortagga kansarka.


Soonka iyo cunista ama cabidda Qaraha:

Faa'idooyinkaa kor ku xusan awgood, qaraha waxaa lagu xisaabiyaa midhaha ugu horreeya oo haddii la heli karo in lagu afuro ay fiican tahay, sababtuna waa sidatan:

1- Qaraha oo oonka u roon iyo fuuqcelinta jirka

2- Qaraha oo dheefshiidka u roon oo caloosha iyo mindhicirrada u diyaariya cuntooyinka aad ku afuri rabitd.

3- Qaraha oo qulqulka dhiigga kordhiyo taasoo qofka uu ka heli karo nashaad iyo firfircooni, khaas ahaan salaadda taraawiixda.

4- Qaraha oo leh faa'idooyin nafaqo jirka uu u baahan yahay.

Faaidooyinka Uu Lee yahay Babaayga

Babaaygu waa faakiho aad u macaan, lagana helo wadamo kooban oo lagu qiyaaso tiradooda 17 wadan, kuwaasoo ku yaalo dhulalka kuleelaha.

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamadaas fara-ku-tiriska ah ee babaaygu ka baxo.

Geedka babaaygu wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin nafaqeed iyo mid caafimaad intaba, waxaana halkaan ku soo koobi doonnaa 10 waxtar caafimaad oo la xaqiijiyay:

Kolestaroolka iyo Caafimaadka Wadnaha: Babaayga waxaa laga helaa waxyaabo ka ilaalin karo xididada jirka khaasatan kuwa wadnaha inay fadhiistaan dufanka kolestaroolka loo yaqaano, xididadaas oo xirmo waxay sabab u noqdaan wadne-qabadka,

Cayilka: Babaayga wuxuu ugu horeeyaa cunanda dhakhso lagu dhargo, kuwaasoo aan cayil keenin, waxaana lagula taliyaa dadka rabo inay iscaateeyaan inay ku dadaalaan cunista babaayga,

Difaaca Jirka: Babaaygu wuxuu sare u qaadaa howsha unugyada difaaca jirka, waxaa kaloo ka buuxo fitamiin C oo isagane muhiim u ah difaaca jirka,

Caadka Indhaha: Babaayga wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo ee loo yaqaano "Cataract", Babaayga waxaa kaloo ka buuxo fitamiin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, Babaayga, Yaanyada iyo Karootada waa sadaxda cunno ee la isku waafaqsan yahay in laga helo caafimaad buuxo ee Indhaha

Gaaska iyo Dheefshiid xumada: Babaayga wuxuu aad u yareeyaa aashitada caloosha, hadduu qofka leeyahay laabjeex iyo bog xanuun, babaaygu waa u daawo. wuxuu kaloo babaaygu daawo u yahay dheefshiid xumada, dibbirada iyo daaco qurunka

Caado xanuunka / Caado wareerka: Babaaygu wuxuu ka tirsan yahay cunnooyinka loo adeegsado caado xanuunka iyo caado wareerka, maadaama babaayga laga helay maado loo yaqaano "papain" oo dhiiga caadada ku shaqo leh, waxaa la arkay inay sixisteeda ka qeyb qaadato,

Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha: Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, wuxuuna koriyaa timaha sababtuna waa tirada badan ee fitamin A-ga ku jiro iyo inuu ka shaqeysiiyo qanjirrada saliida soo daayo ee jirka iyo tinta, wuxuu kaloo yareeyaa agoolka, waana sababta keentay in shirkada qaar ay ku suuq geeyaan kareemyadooda maqaarka ama tinta loo isticmaalo inuu babaay ka samaysan yahay ama uu ku jiro,

Diiqada iyo Welwelka: Babaayga wuxuu ku jiraa cunnooyinka yareeyo stress-ka isagoo ka qeyb qaato kontaroolidda hormoonada u qaabilsan stress-ka, waxaa arrintaan lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay Jaamacadda Alabama

Neefta / Xiiqda: Babaayga wuxuu ka tirsan cunnooyinka yareeyo halista cudurka neefta sababtane waa maadada loo yaqaano beta-carotene oo aad u badan, haddii aad neef qabtid ku dadaal cunista babaayga,

Caafimaadka Lafaha: Babaayga wuxuu kordhiyaa soo nuugista maadada kaalsiyamta oo lafaha laga sameeyo, wuxuu kaloo yareeyaa in kilyuhu kaalisyamka jirka ka saaraan, waxaa kaloo laga helaa borotiinada lafaha qaabilsan, intaas oo la isku daray kulligood waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo,

Faaidada Cunista Mooska

Faaidada Cunista Mooska

Mooska waxaa ku jiro markii laga reebo maadada muhiimka ah ee aan ko ku soo xasay ee bootaasiyamta, macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.
Mooska aan safiican u bislaanin waxaa ku jirto maado loo yaqaano "Pectin" iyo "resistenat starch" labaduba waxay hoos u dhigaan sokorta dhiigga, sidaas awgeed cunnada kahor ama ka dib in la cuno ayaa lagu taliyaa, laakiin dadka macaanka qabo waa in ay ka fogaadaan mooska badan weliba kan safiican u bislaaday.
Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada "Fiber-ta", taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u fiican.
Sidaan horay u soo sheegnay, mooska wuxuu u fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama maadada bootaasiyamta alga helo
Mooska waxaa ku jiro maadada sun-saarista oo xoogan, kuwaasoo kala ah "Dopamine" iyo "Catechins", waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.
Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka cayilan oo cunanda xakamayn karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan safiican u bislaanin.

Faaidada Ay leedahay Saliid Macsarada

Faaidada Ay leedahay Saliid Macsarada

Macsarada waa saliid aad u qaali ah lehne faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.

Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii Saliidaha" waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba.

Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela.

Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah:
1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon.
2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay "Antioxidant" awood leh.
3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi'iye ah.
4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la'aanta.
5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Yiridka iyo cudurrada ku dhaco afka.
6- Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan.
7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidada xinniban ee wadnaha.
8- Macsarada waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeegga.
9- Macsarada waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.
10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jirka
11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.
12- Macsarada waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.
13- Macsarada waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleeylka qoraxda.
14- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka cadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.
15- Macsarada waxay yaraysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.
16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan karo qofka haddii cunto ka dhigto.
17- Waxaa macsarada ku jiro dufanta kordhiso xasuusta iyo xifdinta.
18- Waxaa macsarada ku jiro fitamiinka "E" kaasoo firfircooniya wareegga dhiigga.
19- Waxaa kaloo macsarada ku jiro Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jirka aanan ka maarmin.
20- Macsarada waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jirka ay si sahlan uga gudubto.
21- Macsarada waxay daawo u tahay kacsi la'aanta iyo himad yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.
22- Macsarada waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno "Sciatica" oo ah xanuun neerfaha  "Sciatic" oo keeno dhabar xanuun iyo lug xanuun aad u daran.
23- Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.
24- Macsarada waxay daawo u tahay Baabasiirta, qofkii macsaro joogteeyane baabasiir isma arkaan waa sida la xaqiijiyay.
25- Macsarada maahan saliidaha kiciyo Gaaska ama laabjeexa keeno.
26- Saliidda macsarada waxay raagi kartaa muddo dheer iyadoo isbadalin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanto bakteeriyada iyo caabuqa.
27- Macsarada waxay daawo u tahay caabuqa sanqada "Sinusitis" oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.
28- Macsarada oo lagu luqluqo subax kasto waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.
29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.
30- Macsaraha waxaa lagu daaweeyaa cudurka "Athletes Foot" oo ah caabuq fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodada iyo Ciyaartoyda.
31- Markii lala isticmaalo biyo kulul waxay daawo u tahay cabeebka farjiga ee dumarka.
32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xiro caruurta.
33- Macsarada oo ilmaha iskuulka aado loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka, ifilada iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.
34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Goon-jabka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xirto.
35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo caburnaanta marinnada hawada.
36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmayo maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka.

Cunnooyinka Gaaska U Roon

Cunooyinka Gaaska U Roon

1- Malabka: malabku waa daawo, waxaan kula taliyaa bukaanada qaba gaaska soo laalaabto oo wax badan iskaga gartay in subaxii markuu qofka soo tooso isagoo waxba cunin in koob biyo caadi ah uu ku darsado hal qaado weyn oo malab saafi ah, kadib isku qaso sidaas uu ku cabo, badanaa gaaska nooca stresska ka dhasho ama dadka boog calooleedka qababa way ku caafimaadaan, waxaa muhiim ah in aad iska hubiso in malabka uu saafi yahay, hadduusan saafi ahayn waad ku sii xanuunsan kartaa.

2- Burka Shoofaanka ah: waa bur ka samaysan maaddo af english-ka loo yaqaano "Oatmeal" waxaa la yiraahdaa cunanda ugu fiican ee lagu quraacdo dadka gaaska qabo in ay tahay, caloosh markii lagu rido waxay nuugtaa wixii Acid caloosha ku jiray, gaajadane way u fiican tahay oo waa lagu dhargaa.

3- Zanjabiilka qoyan: Sanjabiilka qoyan wuxuu yareeyaa laabjeexa iyo biyaha kulul oo qofka ku soo rogmado weliba markuu cunno gaas kiciso markuu qofka cuno, iska ilaali sanjabiilka qalalan kaasi gaaska wuu kiciyaa, qaabka loo isticmaalo waa in aad biyo caadi ah dhexdhigtid si uu ugu milmo kadibna biyaha aad cabto ama aad cunnada ku darsato.

4- Dacarta: geedka dacarta "Aloe Vera" waxaa lagu daaweeyaa gaaska nabarka ah oo raaysan diiday, hadane waxaa jiro shirkado u sameeya qaab daawo ah, ku dadaal in aadan toos u isticmaalin geedka laakiin aad raadsato isagoo la soo sifeeyay waxaana lagu gadaa farmashiyada ama dukaamada waawayn qaar, wuxuu daboolaa nabarada caloosha ku yaalo oo uu gaaska keeno waana daawo aad u fiican.

5- Qudaarta/ Cagaarka /Saladka: intaba way u roonyihiin gaaska, dadka badanaa badasadane gaas iyo calool fadhi intaba isma arkaan.

6- Caanaha: caanaha subagga laga saaray oo la qaboojiyay waxay yaraysaa acid-ka caloosha, waana muhiim in caanaha aysan ahayn kuwa fadhi ama suusac ah, waa in ay dhaay ahaadaan fresh ah ama caanaha gasacyada ku jiro.

7- Shaaha cagaaran: shaahaan oo faaidooyin la soo koobi karin leh waxaa la sheegaa in gaaska iyo dibbirada uu yareeyo.

8- Babayga: caloosha wuu bixiyaa wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha, dheefshiidkane wuu wanaajiyaa, laakiin liin dhanaan iyo sokor haku darin.

Intaa waxaa sii dheer in ay jiri karaan cunnooyin iyo waxyabo dabiici ah oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo qofba khibradiisa ku arkay inay faa'ido u leedahay, waxaa kaloo jiri kara waxyaabo lagu kala duwanaan karo oo gaaska ku kicin karo meesha dad kale uu ka dajin karo, waxaa waxyaabahaas ka mid ah liinta, mooska, kalluunka, timirta iyo waxyaabo kale.

Waxaa muhiim ah in aad ka fogaatid basbaaska, waxyaabaha shiilshiilan ama dhanaanka ku badan yahay, cunanda khamiirka lagu badiyay sida canjeerad qaar, cabitaanada acid-ka leh, qaraha, ananaaska iyo wixii la mid ah.

akhriso qoraal faahfaahsan oo fikrad kaa siinayo waxa Gaaska uu yahay,
waxa keeno, waxyaabaha u daran,
astaamaha lagu garto iyo siyaabaha looga fogaado > RIIX HALKAAN

Gaaska waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato

Gaaska waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:

# Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba
# Aashitada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aashitada caloosha ku badiyay.
# Aalkolo cabbid
# Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:

# Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
# Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)
# Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
# Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)
# Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)
# Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)
# Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).
# Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)
# Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig
yari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)

Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.
Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

Warbixintaas waxaa wax ku dhisi krara oo ogaan kara takhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xiriir takhtar.
Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano "Helicopacter Pylori", hadduu qofka jeermiskaan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dirlo bakteeriyada gaaska ku samayso caloosha.

Talooyin:
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysan
iyo wixii la shiilay oo idil
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).
# Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkaan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifan rabto, waxaad
cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aashitada caloosha waa daawo fiican.

Gaaska markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.

Fadlan isbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socdo (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqoto, dhiig casaan ah ma arki doontid)

Maxaa ku badiyay cudurkaan Soomaalida?
Waa su'aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.
Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.
Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.
Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudrkaan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska!!!.
Intii xanuunsan allaha ka caafiyo...

Maahmaahda Qaybta "A" ka Kacda

Maahmaahda Qaybta "A" ka Kacda


1. Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11.
12. Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha kuu daaqdo.
29.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb
78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.

Maahmaahda Qaybta "E" ka Kacda

Maahmaahda Qaybta "E" ka Kacda


1. Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
2. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
3. Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
4. Eygii oo laf diiday ma noola.

Maahmaahda Qaybta "I" ka Kacda

Maahmaahda Qaybta "I" ka Kacda


407. ibtilaysan ayaa belaayo tilmaanta.
408. Il ibtilaysan ayaa balaayo tilmaanta
409. Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
410. In habari gasho, hali ma qaado.
411. inantay hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barataa.
412. Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
413. indho is jecel isma eegi karaan.
414. inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan.
415. inta aanad falin ka fiirso.
416. Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
417. Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
418. Intaadan falin ka fiirso
419. Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
420. irrid af ma daboole ee ood baa daboosha.
422. ishaadaa kuu macalin ah.
423. ishaadu waa kula da' dhegtaaduna way kaa da'wayn tahay.
424. Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
425. Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
426. Isla weyn, dooro weyn.
427. isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa.
428. Isma'og aqalkiibay aslaysaa.
429. Isu qabe aan loo qabin.

Maahmaahda Qaybta "O" ka Kacda


Maahmaahda Qaybta "O" ka Kacda


711. ood is qabsatay maroodina way qarisaa.
712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.
713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa
715. Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa.

Wednesday, November 16, 2016

Maahmaahda Qaybta "U" ka Kacda

Maahmaahda Qaybta "U" ka Kacda

830. Ul jiiftaa ma jabto.
831. Umili ilawshiinyo dhaw.
832. usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
833. ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
834. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.